Deeq A. Posted October 9, 2019 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa goor dhow u ambaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ay diyaarad qaas ah ka qaaday Boosaaso, taas oo si toos ah uga dajineysa gaaroonka Kismaayo. Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe, taas oo dhowaan qabsoomi doonta. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdigan ayaa hahatan laga dareemayaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caleema saarka Axmed Madoobe ayaa labo jeer dib u dhacay, sababo la xariira khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo xayiraadii la saaray Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites