Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka Ahlu Sunna oo leh kulan xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in haatan uu kulan deg deg ah uga socdo gudaha magaaladaasi Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xaro Inji, halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sudoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka looga hadlayo arrimo ku aadan guddiga farsamada ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha Somalia.

Lama oga go’aanada ka soo bixi doona shirkan oo ku soo aadaya, xilli lagu guda jiro dhismaha Galmudug oo mid ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this