Deeq A. Posted October 9, 2019 Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in haatan uu kulan deg deg ah uga socdo gudaha magaaladaasi Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xaro Inji, halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug. Sudoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka looga hadlayo arrimo ku aadan guddiga farsamada ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha Somalia. Lama oga go’aanada ka soo bixi doona shirkan oo ku soo aadaya, xilli lagu guda jiro dhismaha Galmudug oo mid ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites