Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo furaya Kalfadhiga 6-aad ee labada Aqal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saaka lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia

Xafladda furitaanka ee labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Ciidanka Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay munaasabadda  ka qeyb galayaan  marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la la filayaa inuu khudbad dheere ka jeediyo halkaasi, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka.

Labada Gole ee baarlamaanka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay ku maqnaa fasax, waxaana horyaalla shaqooyin kala duwan oo muhiim u ah dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this