Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay askar boolis ah oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa caawa qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanka Siinka-dheer iyo Weydow oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaeaan Afar askari ayaa lagu dilay qaraxas waxaana jira dhaawacyo kale oo soo gaaray askarta, kuwaas oo aan wali la xaqiijin tiradooda rasmiga ah, balse wararka ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya in askarta uu dhaawacu soo gaaray ay dhanyihiin ilaa 8 askari.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo howlgal ka soosameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha, isla markaana kolkii uu qaraxu haleelay ku soo wajahnaa gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada la qarxiyay ee ka soo laabtay howlgalka ayaa Caasimada Online waxay ogaatay in ay hoggaaminayeen Farxaan Qaroole iyo Mahad Korow oo ka mid ah saraakiisha yar-yar booliiska Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay wali mas’uuliyadda qaraxaas, hayeeshee dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa si joogtaa wadadaas qaraxyo ugu gaysta ciidamada mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dhanka laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxaas askarta iyo saraakiisha booliska ah lagula beegsaday meel aan ka dheereyn deegaanka Siinka -dheer ee duleedka magaalada Muqdisho oo uu ku yaallo koon-toroolka ugu weyn ee laga sugo amaanka Muqdisho.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this