Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Dhinaca Hawada Ahi Soo Kala Dhex Galay Soomaaliya Iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Khilaaf dhinaca hawada ah oo soo dhex kala dhex galay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelisay Maamulka hawadeeda, ka dib markii diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ay si toos ah u fadhiisatay Magaalada Kismaayo, inkasta oo ay marka hore soo martay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

airport.jpg

Maamulka Hawada ee Soomaaliya (SCAA) ayaa Kenya ka dacweeyay Hay’adda Maamulka Hawada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (ICAO), sida laga soo xigtay Masuul aan la Magacaabin, sida uu Salaasada Maanta qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi.

Sabtidii, Kenya waxay diwaangelisay diyaaradda Fokker 50, 5Y-JXJ oo daad-guraysay Siyaasiyiin isla-markaana fadhiisatay Kismaayo, Magaalo Madaxda Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Bishii September, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in aanay Kismaayo tagi karin, iyagoon fadhiisin Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa hore waxa uga dhexeeyay Khilaaf dhinaca badda ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this