Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyaha rug caddaaga ah ee muddada dheer BBC-da ka hawlgali jiray Cabdullaahi Xaaji oo la guddoonsiiyay abaalmarin caalamiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdullaahi XaajiCabdullaahi Xaaji

Wariyaha rug caddaaga ah ee muddada dheer BBC-da ka hawlgali jiray Cabdullaahi Xaaji ayaa xalay la guddoonsiiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Soomaalida, ISA, taas oo sannad kasta lagu qabto magaalada London.

Sacad badan ayaa u dhacay markii Cabdullaahi Xaaji uu soo istaagay masraxa, waxaana magaciisa ku dhowaaqay wiil uu dhalay Axmed Xassan Cawke oo muddo dheer ay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi.

Wariye Cabdullaahi Xaaji oo hadda hawlgab ah ayaa ka sheekeeyay kaalintii uu ku lahaa horumarinta Afka Soomaaliga intii uu ka tirsanaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

“Barigii wadahadaladii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ayaa aad u maqli jirey, kalmadda ‘Peace Process’ , waxaan ku fasiray Geeddi Socodka Nabadda, aad ayaa loo qaatay, balse nimankii aan wada shaqaynaynay waxay yiraahdeen, waa maxay waxan , ma miyi baynu joogtaa” ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji oo aad loogu xusuusto eraybixinta ay ka midka tahay ‘Barwaaqo Sooraan’ iyo kuwa kale.

p05911xp.jpg

Waxa uu ahaa qof aad u jecel shaqada, mas’uuliyad dheerna iska saara shaqada, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri “30 sanno ayaan BBC-da u shaqaynayay iyo 10 sanno oo galin aan soo gali jiray, dadka waxay dhihi jireen ninkan miyuusan dhimanaynin, afartankaas sanadood waligeed fasax dheer ma qaadanin, waayo mas’uuliyad baan iska saaray dadka Soomaalida ah ee i dhagaysta”.

Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ayaa Cabdullaahi Xaaji u aqoonsaday in uu yahay qof wax weyn kusoo kordhiyay Soomaalida intii uu noolaa, tahayna in lagu abaalmariyo.

Cabdullaahi Xaaji oo waraysanaya Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii SoomaaliyaCabdullaahi Xaaji oo waraysanaya Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii Soomaaliya

Waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaano ‘Lifetime Acheivement Award’ ama ‘Mirodhalka Nolosha’ oo la siiyo dadka intii ay noolaayeen ka miro dhaliyo hiigsiyada nolosha midkood oo waxtar u leh isaga iyo bulshadadaba.

Cabdullaahi Xaaji oo ka hadlay sida uu u arko abaalmarinta dhif iyo naadirka ah ee la siiyay ayaa yiri “Waa abaalmarin aan aad ugu faraxsanahay, aanan ilaashan doono inta aan noolahay – Waxaanan ku aqbalayaa si mahadnaq qotodheer ay ku dheehantahay”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this