Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka Tacsiyeysay Geerida Marxuum Sacad Cumar Geelle.

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso, Oktoobar, 08, 2019:  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Sacad Cumar Geelle, oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha Jibuuti.

Madaxweyne Deni ayaa uga tacsidayeeyay shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyeeyay geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Puntland Post

The post Puntland oo ka Tacsiyeysay Geerida Marxuum Sacad Cumar Geelle. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this