Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Koonfureed oo muddada u kordhisay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo Imaaraatka

Recommended Posts

Deeq A.   
PYH2019100806670001300_P4.jpg?w=1000&ssl

Golaha wasiirada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ansixiyay in la kordhiyo howlgalada milatari ee ciidamadooda ka howlgala biyaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

Kalfadhi uu shir-guddoominayay Madaxweyne Moon Jae-in ayaa waxay ku heshiiyeen isaga iyo golihiisa xukuumada in la kordhiyo sii wadida howlgallada ciidan illaa Dec. 31, 2020.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sanadkii 2009 gacanka Cadan u dirtay 300 kamid ah ciidamadeeda aadka u tababaran, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida.

Dhanka kale, ilaa 140 kamida ciidamada gaarka ah ayaa laga howlgaliyay Imaraadka Carabta ilaa bishii Janaayo 2011, kuwaas oo loogu talo galay inay tababar siiyaan ciidamada maxalliga ah.

Bishii August, Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysay in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap.

Puntland Post

The post Kuuriyada Koonfureed oo muddada u kordhisay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo Imaaraatka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this