Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalihii ugu horreeyey ee G/BANAADIR oo maray baarista hubinta shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa shalay markii ugu horreysay maray nidaamka hubinta shaqaalaha dowladda ee ka badqabka Al-Shabaab iyo urur diimeeyada kale ee dalka ka jira.

Qaybta amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa shalay lagu bilaabay hubinta waxaana shaqadaas qabanayay hay’adaha amaanka ee gobalka Banaadir, iyadoo wareysiyada ay qaadaan isla maalintaas u gudbinyay hay’adda NISA oo hubin kale ku marsiineysay Godka Jilacow.

Su’aalo isku mid ah ayaa la weydiinayay shaqaalaha waxaana tirada su’aalaha lagu sheegay in ka badan 20 su’aalo oo qaarkood isku soo noqnaya si qofka looga helo jawaabo aan is waafaqsaneen.

Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah su’aalihii dadka la weydiiyay waxaana kamid ah.

1) – Qofka shaqaalaha waxaa la weydiinayaa qabiilkiisa ilaa 3 heer ama ilaa jufo hoosaadka.

2) – Sidoo kale waxaa la weydiinayaa Yaa waaye Xildhibaankaaga, Nabadoonkaaga ka diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

3) – Maxaa qaban jirtay ka hor inta aadnan dowladda u shaqa bilaabin.

4)  – Maka mid noqotay Al-Shabaab, Daacish ama urur diimeed kale sida Xisbul Islaam, Maxkamadihii iyo kuwa kale.

5)  – Qof kamid ah qoyskaaga maka tirsanyahay Al-Shabaab, hore ma uga mid noqday, xataa qof aad daris aheydeen.

6) – Imisa Xaas ayaa leedahay, Caruurtaada waa imisa, Imise guur ayaa soo martay.

7) – Iskuulkee ka soo baxday, maxuu ahaa luqadaada waxbarashada ma Carabi mise English, Jaamacadee ka baxday/dhigataa iyo su’aalo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dedaalo lagu hubinayo shaqaalaha dowladda oo dhan, waxaana hadda socda hubinta guud ahaan shaqaalaha dowladda.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog arinatan ku saabsan, waxaana maanta la filayaa in la hubiyo shaqaalaha qaybta arrimaha bulshada ee Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this