Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan booliska oo Turkiga ku qaadanaya tababar muhiim u ah Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Izmir (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu tababar uga socdaa dalka Turkiga xilli wadankaan Africa ku yaalo uu dagaal kula jiro Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab.

Tababarka la siinayo Saraakiishaan ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wuxuu ka socdaa Dugsiga Sare ee loogu talagalay Cutubyada taliska Ciidamada Turkiga, wuxuuna ku yaalaa Magaalada ku taal Galbeedka Turkiga ee Foça.

Tababarkaan oo socon doono muddo Lix Asbuuc ah ayaa Saraakiishaan waxaa lagu bari doonaa halista Argagixisada, burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhaca, howlgalada gaarka ah iyo sidii looga jawaabi lahaa weerarada Argagixisada.

Tababarkaan ayaa waxaa taageereyso Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TİKA) oo gargaar horumarineed siisa Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalo Africa.

Saraakiisha Soomaalida ee tababarkaan qaadanayo ayaa gaarayo illaa 10 waxayna isugu jiraan qeybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah  lagu siinayo goobaha buuraleyda.

Lt. Önder Yıldız oo ka mid ah tababarayaasha ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu (AA) in ardaydaan ay xiiseyneyaan inay wax bartaan. “Waxay diyaar u yihiin inay bartaan waxyaabo cusub waana ku faraxsanahay inaan awoodno inaan caawinno,” ayuu yiri.

Yıldız wuxuu intaas ku daray in saraakiisha Somaliyeed la siin doono shahaado si ay si sax ah uga jawaabaan halista argagixisada kadib markay dhameeyaan tababarka.

Abdurrahman Abdullah Muhammad oo ah kormeere Booliis Soomaali ah oo dhiganayay koorsada ayaa sheegay inuu ahaa tababar adag laakiin runtii ahaa mid hufan.

“Waxaan aragnay marti-gelinta Turkiga, halkaan waxaanna ku barannay waxyaabo faa,ido u leh dib-usoo kabashada Soomaaliya, markaan runta ka hadlo waxay ahayd koorso aad noogu adag oo waxaan xasuustaa inaan lumiyay neefsashada mararka qaarkood markaan hirgalinayno wixii aan bartay.”ayuu yiri Abdurrahman .

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this