Deeq A. Posted October 8, 2019 Dowladda Jarmalka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $73 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Annett Gunther ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ku deeqeen ay tahay mid lagu taageerayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya. Deeqdan ayey Danjiraha Jarmalka kaga dhawaaqday munaasabad lagu xusayey 30 sano guuradii ka soo wareegatay midowga Jarmalkii Galbeed iyo Jarmalkii Bari oo Muqdisho lagu qabtay. Danjiraha Jarmalka ayaa sheegtay in dalkeeda oo xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya ay labada sano ee soo socota bixin doonaan lacagtaas, iyada oo intaasi ku dartay in ay lacagahani ku taageerayaan hay’adaha maaliyadda Soomaaliya si fursado loogu abuuro dhallinyarada una helaan tababarro, xirfado cusub, iyo dhismaha waddooyinka dalka. Ugu dambeyn Danjire Annett Gunther ayaa soo dhaweysay horumar ay sheegtay in ay Dowladdu ka sameysay dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites