Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ahaa oo maanta lagu dilay Siinaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay agagaarka isgoyska Siinaay, gaaar ahaan dhinaca Yaaqshiid .

Dilka ayaa waxaa fuliyey nin ku hubeysnaa qoray Ak47, kaas oo la sheegay inuusan wadan wax darees ciidan ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in wiilka la dilay uu watay mootada nooca loo yaqaano Fekonta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninkii geystay dilkaasi uu goobta ka baxsaday, kadibna ay soo gaareen ciidanka dowladda oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Waa dilkii labaad oo isla maanta ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona saaka koox hubeysan askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku toogteen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this