Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisada xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Xiisada ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Duurow.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle ayaa xilka ka qaaday Duurow, waxaana si KMG ah uu xilkaas ugu magacaabay Liibaan Cabdi oo ahaa ku-xigeenka Maaliyadda degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this