Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Ciidammadiisa Kala Baxaya Waqooyiga Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ciidanka Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa bilaabaya in ay iskaga baxaan deegaanada ay ku sugan yihiin xilli Millatariga Turkiga uu isku diyaarinayo howlgal ka dhan ah kooxda Kurdida iyo dagaalyahanada Kale.

15704588335e5c8.jpg

Washington ciidankeeda ma taageeri doono howlgalka Turkiga ee ka dhan ka ah kurdida, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saari doonaa gobolka Idlib, sidaasi waxaa sheegtay xoghayaha dhanka warfaafinta aqalka cad Stephanie Grisham.

Balse ma cada waqtiga rasmiga ah ee Mareykanka ugu danbeyn ciidankiisa uu kala bixi doono waqooyiga suuriya kuwaasi oo tiradoodu ay tahay, 1,000 Askari.

Ms Stephanie ayaa intaa raacisay in Turkiga uu bilaabay dhaq-dhaqaaq ku aadan howlgalada milatari ee gobolka Idlib.

Afhayeenka aqalka cad ayaa ugu danbeyn sheegtay in Isniinta maanta ah ay ciidankooda ka baxeen laba saldhigyada Tel Cabyad iyo Ras Al-Ceyn oo u dhow xadka Turkiga.

Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayaa isku khilaafsan dagaalka ka dhanka ah Kurdida waxaana Mareykanka uu ugu hanjabay Turkiga in cunaqabateyn dhaqaale uu ku soo rogi doono hadii Turkiga uu weeraro Dagaalyahanadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this