Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Shaacisay Heshiis Ay La Saxeexaneyso Dalalka Khaliijka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxeexdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran.

Israel.jpg

Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedadka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxeexdo dowladaha Carabta.

Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaadhayo illaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israa’iil maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalla dalalka Falastiin iyo Suuriya.

“Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxeexanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz.

“Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxeexayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this