Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda China Oo Ka Baxday Heshiiskii Maalgashi Ee Batroolka IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-China)-Shirkadda Batroolka ee dowlada China ayaa la sheegay inay iskaga baxday heshiis Maalgashi oo ay la gashay dowlada Iran, go’aankan oo la sheegay inuu la xadhiidho cadaadiska iyo cunaqabateynta Maraykanka uu saaray wadanka Iran.

China-Iran-heshiisburburay-740x391.jpg

Wasaarada Batroolka ee Iran ayaa xaqiijisay in Shirkada China laga leeyahay ay hore heshiis maalgashi oo gaadhaya 5 Bilyan oo dollar kula gashay wadanka Iran mashruuca balaadhinta xarumaha Gaaska laga soo saaro badda Iran.

China ayaa xiligan dagaal ganacsi kula jirta Dowlada Maraykanka oo cashuur dheeraad ah kusoo rogtay qalabka ay u iibgeeyaan dalkaasi, waxaana hadda socda gorgortan u dhaxeeya Maraykanka iyo China balse aan weli lagu heshiin, waxaana loo badinayaa in go’aanka China ay uu kaga baxday Iran la xadhiidho gorgortanka ay kula jiraan Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this