Sign in to follow this  
Deeq A.

Maal iyo magac meel xun galay ! By.Dr-Abdulqani Beder

Recommended Posts

Deeq A.   

Maal iyo magac meel xun galay !

beder-300x284.jpg

Siyaasiyiin badan ayaa Yurub iyo Mareykan taageera dadka dhaqanka xun ee falkii qawmu luud sameeya, qasab ma aha in ay siyaasiyiintaasi ficilladaas sameeyaan ama ka raalli yihiin, hase yeeshee dan siyaasadeed ayaa ka gashay oo cod ay kursiga ku fuulaan ayay taageeradaas ku raadinayaan.

Halkan – Soomaalida- hay’ado badan oo reer galbeedkaas ah ayaa si gaar ah u taageera dadka anshax xumooyinka ka shaqeeya, sida: qawmu luudnimada, isku milanka labada jinsi, fanka iwm, ujeeddadu waa in ay dhaqanno reer galbeed suuq u raadiyaan ee ma aha in ay baahi aad qabto dar ilaahay u daboolayaan.

Mashaariicdaa sumaysan dad inala jinsi ah inala af ah, sida ay sheegtaanna inala diin ah ayaa soo qaata oo lagu gunneeyaa, lagu maalgeliyaa oo lagu difaacaa, qasab ma aha in dadkaasi waxaas wada doonayaan oo ay ku sifaysanyihiin, waxase hubaal ah in ay ku hawllanyihiin oo raalli ku yihiin in ay ku shaqeystaan oo magac iyo maalka ka dhexraadiyaan faafinta fusuqa iyo fadaraynta akhlaaqda bulshada.

Qofku in uu xumaanta ka shaqeeyaa iyada oo sideeda diin ahaan iyo dadnimo ahaanba u liidata, haddana in uu la dagaallanka wanaagga iyo dadka samaha ugu yeedhaya shaqo labaad ka dhigtaa waa musiibo laba jibbaaran!

In ay baahidu meelxun kaa gashaa waa musiibo Alle laga magangalo, waxa Nebiga -SCW- ka sugnaatay:
(بَادِرُوا بِالأَعْمَالِ فِتَنا كَقِطَعِ اللَّيْلِ الْمُظْلِمِ. يُصْبِحُ الرَّجُلُ فِيْهَا مُؤْمِناً وَيُمْسِي كَافِراً. أَوْ يُمْسِي مُؤْمِناً وَيُصْبِحُ كَافِراً. يَبِيعُ دِينَهُ بِعَرَضٍ مِنَ الدُّنْيَا)أخرجه مسلم في صحيحه.

((Acmaasha wanaagsan kala degdega/u degdega -ka hor-fitnooyin gobolka habeenka oo kale ah/sida ay u madowdahay ee u qarsoontahay habeenka oo kale ah. Waxa uu qofku waabariisanayaa isaga oo muumin ah, waxaanu galabaysanayaa isaga oo gaal ah! Waxa uu galabaysanayaa isaga oo muumin ah waxaanu waabariisanayaa isaga oo gaal ah! DIINTIISA AYUU KU IIBSANAYAA ADDUUNYO YAR)) Saxeex Muslim.

Walaalayaal waa wakhti fitno ee aynnu dadaallo oo toosnaanta wakhti gashanno, gurraca iyo fitnadana la dirirro.

Dr-Abdulqani Beder

Image may contain: stripes

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this