Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka gudaha degmadaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askariga ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxayey hoygiisa, islamarkaana ku sii jeeday goobtiisa shaqo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay durbo goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen , kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Dhinaca kale waxaa xalay degmada Wadajir ka dhacay qarax xoogan, kaas oo la sheegay in gaarigiisa loogu xiray nin ganacsade ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka saldhigga degmadaasi ayaanan geysan wax khasaare ah, marka laga reebo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan intaba.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this