Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalfadhiga Shanaad Ee Baarlamaanka K/galbeed Oo Maanta Furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu ka furmo Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa socota qaban qaabada munaasabadda lagu furayo Kalfadhigan, waxaana ka qeybgali doona guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, kuwaasi oo shalay gaaray Baydhabo.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan khudbado ay kaga hadlaya shaqooyinka baarlamaanka iyo waajibaadka xildhibaanka.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this