Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii dekeda Jibuuti lana dhashay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareeyihii dekeda dalka Djabouti Sacad Omar Geelle oo ahaa ganacsade weyn oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha dalka Jibuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku geeriyooday dalka faransiiska.

Lama sheegin waxa uu u dhintay.

Sanadkii 2011, Sacad Cumar Geelle ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee dekeda Jabuuti ka dib markii Dekeda Jabuuti iyo shirkad laga leeyahay dalka China oo la yiraahdo CHMI heshiis ku gaareen in ay wadajir u maamulan Dekeda Jabuuti.

Allaha unaxariistee, Sacad Omar Geele, waxaa uu kamid ahaa dadka ugu saameynta badan qoyska reer Cumar Geelle. Waxaa uu sidoo kale madax ka ahaa shirkado waaweyn oo kuyaala dalka Jibuuiti oo qaabilsan wax dhoofinta iyo wax soo dajinta. (Import and Export)

Shirkada DP world oo horey usoo maamushay dekeda Jibuuti, ayaa Sacad Cumar Geelle, sanadkii 2004 u qaadatay agaasime farsamo,.

Puntland Post

The post Agaasimihii dekeda Jibuuti lana dhashay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this