Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. C/raxmaan Tuuryare oo ka digay in Ahlu-Sunna looga baxo heshiiskii lala galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax C/raxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaraaka (NISA) ayaa waxa uu ka digay in heshiiska looga baxo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe/Galmudug.

Musharax C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay haddii Ahlu Sunna heshiiska looga baxo in ay taasi horseedi karto qalqal amni iyo dib u dhac hor leh.

“Waxaan ka digayaa in Ahlu Sunna looga baxo heshiiskii ugu dambeeyay ee hadda lala galay. Haddii la fulin waayo qodobadii lagula heshiiyay waxaa laga yaabaa in la wajaho qalqal amni iyo dib u dhac hor leh.” Ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxaa uu tilmaamay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay soo halgantay, isla-markaana ay shacbiga Soomaaliyeed tustay in lala dagaalami karo maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

“Ahlu Sunna way soo halgameen, waxayna dadka Soomaaliyeed tuseen in Al Shabaab lala dagaalami karo. Waxay kaloo suurageliyeen in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto.” Ayuu yiri General C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in Ahlu Sunna aanay marnaba mudnayn in heshiiska looga baxo, haddii ay dhiig badani u daadisay nabadda maanta ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Galmudug. Waxa uu intaa ku daray in Ahlu Sunna ay u khalanto in loo abaal gudo, oo aanay mudnayn in lagu ballan furo.

C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug ayaa sheegay in uu Ahlu Sunna wanaajin doono, haddii uu ku soo baxo doorashada loogu jiro Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

“Wax badan baan ka qaban doonnaa xiriirka Ahlu Sunna, haddii la ii doorto Madaxweynaha Galmudug. Musharax kasta ayaa mid muhiim ah u arka in lala shaqeeyo Ahlu Sunna, haddii xilka loo doorto.” Ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

General Tuuryare oo sidoo kale soo noqday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee qabashada xilka Madaxtinimada Galmudug.

General Tuuryare oo lagu xusuusto mowqifkiisii adkaa ee Shabaab ayaa loo arkaa mid ka soo bixi kara xilka, uuna suuragelin karo in Shabaab laga sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this