Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xidhiidh-Guur Nin Caddaan ah 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xidhiidh-Guur Nin Caddaan ah

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah maxkamad uga diiwaan gelisay codsi ah in laga furo ninkeeda, ahna aabaha saddexdeeda caruur, xiili ay jirto xan ku saabsan in xidhiidh hoose ay la leedahay nin degan magaalada Washington DC oo lagu magacaabo Tim Mynett.

Warqadaha codsiga furritaanka Ilhaan ee ninkeeda Axmed Xirsi oo 4-tiii October laga diiwaan geliyey maxkamadda Hennepin County ee gobolka Minnesota ayey ku sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin.

Ilhaan oo 38 jir ah iyo Axmed ayaa is-guursaday 2002. Waxay mar kala tageen 2008, hase yeeshee waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018.

omar-divorce-785.jpgIlhaan iyo Axmed

“Waxaa xidhiidhka guurkeena gaadhay dhaawac aan dib loo bogsiin karin” ayaa ku qornaa warqadaha ay Ilhaan gaysay maxkamadda.

Ilhaan ayaa warqadaha ku sheegtay in iyada iyo Axmed midkoodna uusan dooneyn in midka kale laga ilaaliyo inuu dhowaado. Waxay sheegtay inay doonayaan in si isle’eg loogu ogolaaday haysashada iyo korinta caruurtooda.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xidhiidh jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xidhiidh uu la leeyahay Ilhaan.

ilhan-iyo.jpgTim Mynett iyo Ilhaan Cumar

Tim Mynett ayaa maxkamadda Washington DC ka diiwaan geliyey kiis uu ku beeninayo inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan.

Tim ayaa ka shaqeeya urur qaabilsan doorashooyinka, taasi oo lacag ka badan 250,000 oo dollar ka heshay ololaha Ilhaan. Lacagtaas ayaa abuurtay su’aalo ku saabsan in shaqada uu Tim u qabtay Ilhaan aysan u qalmin, balse lacagta lagu siiyey xidhiidhka labadooda ka dhaxeeya.

Sida ku cad warqadaha ay maxkamadda u gudbisay Beth Mynett, ayada iyo Tim ayaa kala guuray bishii April kadib markii Tim uu qirtay inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa diiday in illaa iyo hadda ay wax jawaab ah ka siiso warbaahinta xidhiidhka la tuhmayo inuu kala dhexeeyo Tim oo ah nin caddaan ah iyo furiinka ay diiwaan gelisay jimcihii ee ninkeeda Axmed Xirsi.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this