Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo digniin kasoo saarey goobaha danta guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish] ayaa uga digay shaqsiyaad uusan carabaabin in ay goobaha danta guud ay u isticmaalaan dan gaar ah.

Mr Cumar Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu caddeeyay in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin xubnahaas.

Dhinaca kale, duqa caasimadda ayaa tibaaxay in ay ka shaqeynayaa dhismahaha wadooyinka burbursan ee magaaladda.

Soo celinta bilicda caasimadda ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay u tahay muhiimadda koowaad, isaga oo ku nuux-nuux saday in muwaadiniinta looga baahan yahay in ay kaalin ku yeeshaan qorshaha cusub.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Sas.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this