Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi uu hoggaaminayo Mursal oo gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

71825714_2423589644363668_75388725790297 72114991_2423589614363671_69652055612184 72523726_2423589631030336_32750821886383

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this