Deeq A. Posted October 7, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo burcad ah ay ka geysteen xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cismaan Maxamed Nuur. Marxuumka walaalkiis oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Nuur ayaa Shabelle u sheegay in raggaa dilka geystay oo ku hubeysnaa qorayga Ak47 ay goobta ka baxsadeen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-jaamac-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites