Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud oo gargaar gaarsiisay Baardheere+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolkaas Gedo.

Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere.

Cabdullaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Guddoomiyaha degmada Baardheere iyo Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman Qaadi Guddoomiye Ku xigenka Gobolka Gedo ayaa ku ammaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaskaasi, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.

Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere.

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

aaa.jpg

dddd.jpg

derrr.jpg

fggg.jpg

frrr.jpg

ghhhh.jpg

gtrrrr.jpg

gttt.jpg

gtttt.jpg

gttttttt.jpg

hjggg.jpg

jhgggg.jpg

rfff.jpg

yhjj.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this