Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Beyle oo la kulmay Duqa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

71865877_1692537197546870_23618660386367 71930676_1692536624213594_32323212236564 72301555_1692537244213532_35236370699538 72859421_1692536620880261_46887522830668

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this