Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Axmed Mooge Oo Aqbalay Codsigii Shacabka Hargeysa Ee Ahaa Maayir Ka Noqdo Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in uu aqbalay codsigii shacabka Hargeysa ee ahaa in uu maayir ka noqdo magaalada Hargeysa.

Cabdikariin-Axmed-Mooge.jpg


Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebook waxa uu ku yidhi

“Waxaan ahay qof idinla wadaaga dareenka jacayl ee aad u qabtaan magaaladeena Hargeysa, waxaan sidoo kale aaminsanahay awooddiina markaad qabiilka iska dhaaftaan ee aad dhexdiina midaysantihiin!

Waxaan codsigiina kaga jawaabayaa ducadan:

” hadaan khayr idiin leeyahay oon ahay mid rumayn kara waxaad iga filaysaan Allah hayga kiin dhigo Maayar! Hadiise aan noqonaayo heeryadii cune, markuu kursiga fuulo Alle iyo dadkiisaba ilawaaya! Alle igama kiin dhigo Maayar ee mid iga wanaagsan Allah haydin siiyo”

Waxaan kaloon balanqadayaa in intiina qabta dareenkan in aan isu kiin keeno, idin dhagaysto, ana I dhagaysataan, tashano si aan u gaadhno go’aan iyo talo aynu wada leenahay, talo iyo go’aan ka xor ah qabiil tageersiga halkaa ina dhigay.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this