Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Jubbaland Oo Sheegtay Iney Dishay 20 Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Ay Ju Jiraan Saraakiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida goor dhow lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha afka dowlad goboleedka Jubbaland, ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Caballa Biroole oo qiyaastii 55-km dhanka bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ciidanka Jubbaland ku dileen 20 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab laga dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deegannada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen.

Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole.

Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadal sheegashada Jubbaland ee ah iney dishay xubnahan ka mid ahaa ururkooda.

Hoos ka arag sawirada:

0007.jpg 0006.jpg 0005.jpg 0004.jpg 0002.jpg 0001.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this