Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Mareykanka Oo Baadi Goob Ugu Jira Dabley Afar Qof Ku Dishay Gobolka Kansas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kansas)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla caasimada gobolka Kansas, ee dalka Mareykanka.

157038499799566.jpg

Tv-ga gobolka KSHB-TV ayaa tabiyay in toogasho afar qof lagu dilay ay ka dhacday baarka Tequila oo ku yaalla gudaha magaalada.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in shaqsiyaad hubeysan ay gudaha u galeen maqaayada kuwaasi oo rasaas xoogan ooda kaga qaaday dadkii ku sugnaa goobta.

Dhanka kale shan qof oo dhaawac ka soo gaadhay weerarkaan ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Kansas.

Ma jirto ilaa iyo hada cid loo qabtay weerarkaan iyadoo booliska ilaa iyo hada aanu ka hadlin inta qof ee weerarka geystay iyo sababta ka danbeysa.

Taliska booliska magaalada ay wadaan baadhitaano dheeraad ah saacadaha soo socda ay macluumaadka la xidhiidha weerarkaan ay soo dhigi doonaan barta ay ku leeyihiin Twitter-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this