Deeq A. Posted October 7, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Taliyeyaal Ciidan. Wareegtada ayaa sidan u qorneyd: Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites