Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Sanaag.

Xeer-madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr-77 soona baxay xalay ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag loogu magacaabay G/dhexe Bashiir Cali Maxamed.

Sarkaalkan ayaa ka hor inta xilka loo magacaabin isla xalay loo dallacsiiyay derejada Gaashaanle dhexe.

Dikreetada magacaabista

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-77 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loo dalacsiiyey
derajada G/dhexe

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this