Sign in to follow this  
Deeq A.

JUBBALAND oo war ka soo saartay habraaca doorashada ee dowladda dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa si kulul uga hadlay warkii xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadanaa habraaca doorasha kale oo dowladu ka qabaneyso maamulkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashadaasi, islamarkaana aysan quseyn Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kismaayo ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dhiman tahay kaliya in la caleema saaro Madaxweynaha.

Waxa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku xadgubeyso sharciga u yaalla dalka, islamarkaana aysan u tureyn dadka reer Jubbaland.

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaasi ay qaadi doonto dowladda dhexe.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona 9-ka bishan oo ku beegan maalinta beri ah lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa ka hortimid doorashadaas oo 22-kii bishii hore ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Jubbaland.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this