Deeq A. Posted October 6, 2019 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliye cusub u magacaabay qaybta Booliska gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabay G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, oo horay u ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada madaxtooyada. Muumin Cabdi Shire oo ku magac dheer (Muumin Madaxweyme) ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Taliya qaybta Booliska gobolka Nugaal, waxaa digreeto Madaxweyne loogu dalacsiiyay darajada G/Dhexe. G/Dhexe Muumin Cabdi Shire oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa hogaaminayay howlgalka loogu magacdaray Tayeynta caasimada oo dowladdu kula wareegayso hanti dadweyne oo muddo 30 sano ah gacanta ugu jirtay dad gaara. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal waxaa horay si ku meel gaara u hayay Cabdixamiid Maxamed Dirir. Digreetada dalacsiinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-76 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire loo dalacsiiyey derajada G/Dhexe Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Digreetada magacaabista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Booliska Nugaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites