Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Ku Dhawaaqday In Uu Burburay Wada Xaajoodkii U Dhaxeeyay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Wadahadallada Niyuukleer-ka ee u dhaxeeyay saraakiil ka socota xukuumadda Washington iyo Pyongyang, oo ka socday dalka Sweden ayaa burburay sida uu sheegay matalaha dhanka wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi.

donald-trump-kim-jong-un-ap-mt-171101_4x

Shirka oo ka dhacay xarun ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Stockholm, ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah ay u kulmaan saraakiil sare oo ka tirsan labada dhinac.

Madaxweyne Donald Trump iyo hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa bishii June ee badhtamihii sannadkaan isku waafaqay in dib loo bilaabo wadahadalada Niyuukler-ka oo horay hakad u galay.
Bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa labada madaxweyne waxay kulan ku qaateen dalka Vietnam, inkastoo ay kala tageen iyagoo aan gaadhin wax heshiis Ah.

Matalaha dhanka wadahadalada Kuuriyada waqooyi mr Kim Myong Gil oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee safaarada dalkaasi ku leeyahay magaalada Stockholm ayaa sheegay in ay burbureen.

Mr Gil ayaa intaa raaciyay in Mareykanka aanu la imaan dulqaad badan si ay u sii socdaan wadahadalka labada dhinac.

Dhanka kale xukuumada Washington ayaa sheegtay in ayna xaqiiqda ka tarjumeyn hadalka Kim Myong Gil, ayna Washington aqbashay casuumaada si loo sii wado wada xaajood dheeraad ah laba todobaad Kadib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this