Deeq A. Posted October 6, 2019 (SLT-Washington)-Sarkaal ka tirsan booliska Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ayaa mar uu marayay wado ku taala Magaaladaas waxaa uu kula kulmay gabadh derbi jiif ah oo heeseysa, waxaannu go’aansaday inuu muuqaal kaga duubo telefoonkiisa, balse taas waxay badashay noolasha gabadha. Askarigii ayaa markii uu duubay muuqaalka gabadha iyadoo heeseysa, waxaa uu soo dhigay barta ay booliska ku leeyihiin Twitter-ka, waxaan saacado gudahood daawatay malaayin qof oo ka helay codka gabadha, iyagoo ka damqaday xaaladda ay ku nooshahay gabadha. Emily Zamourka ayaa muuqaalka laga duubay iyadoo ku heeseysa heestii Puccini’s ee ay qaaday fanaanada caanka ah ee O Mio Babbino Caro. Codka hallaasiga ah ee 52 jirkan ee ay heesteeda qaaday gabadha aya soo jiitay quluubta dad badan, oo qaar badan oo ka mid ah ayaa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas, iyagoo aad ula dhacsan codka gabadha ay ku luuqanayso. Mid ka mid ah ayaa waxaa uu yidhi “codkeeda waa cajiib, waxaan u rajeynayaan nolol fiican, wuuna mahadsan yahay sarkaalkii booliska ahaa ee aqoonsaday codka hallaasiga ah ee gabadhan, baraha bulshadana dadka kula wadaagay!” Hase-yeeshee qaar kamid ah isla dadkaas isticmala Twitter-ka ayaa su’aal geliyay in Zamourka ay tahay derbi jiif oo aan heysnin hoy, waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Boorsada ay wadato, dharka ay xidhan tahay iyo sida timaheeda ay nadiif u yihiin marka la eego, waxay u muuqataa qof soo dhar iibsaday oo iska laafiyoonaya” Dadka qaar ayaa sheegay inay hore u arkeen gabadhan, iyadoo derbiyada jiifta,waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Horre ayaa u arkay gabadhan oo waxaan dhowr jeer ku arkay iyadoo baaskiil ku kaxanayso tareenka iyo iyadoo wadada ku quudinaysa shimbiro, waligayna kuma fikirin inay leedahay codkaas hallaasiga”. Ms Zamourka oo la hadashay wargeyks told the Los Angeles Times in dalka Mareykanka ay timi iyadoo 24 sano jir ah, kana timid dalka Ruushka, halkaas oo ay sheegtay inay ku baratay sida loo garaaco turumbada iyo biyaanada heesaha. Source Share this post Link to post Share on other sites