Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Dhax-maray Ciidammada Jabuuti Iyo Kuwa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jalalaqsi)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidammada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo maanta ka dhacay gudaha degmada.

2019106637059334778633114Howlgalka-Jalal

Ciidamada Jabuuti ayaa la sheegay inay la wareegeen dhamaan xarumaha maamulka.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro lana bakhtiiyo xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, kaddibna ay howlo miina baadhis ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi, isla markaana ciidamadii maamulkaas dagaal magaalada lagaga saaray.

Waa iska horimaadkii ugu horreeyay ee dhaxmara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this