Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawada gaaska ee Ranitidine oo la ogaaday in laga qaado Kansarka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baaristii ku socotay daawada gaaska ee “Ranitidine”, kuna magac dheer “Zantac” ayaa soo gabagabowday, waxaana la xaqiijiyay inay sax tahay in daawadaasi ay ku jirto maadada loo yaqaano “NDMA” taasoo lala xiriirinayo xanuunka kansarka.

Wadamo badan ayaa isku raacay in la joojiyo sida ugu dhakhsiyaha badan, waxaana amar lagusoo saaray in suuqyadooda laga ururiyo.

Zantac oo la ogsoon yahay in aad looga isticmaalo Soomaaliya, ayaa dhaqaatiirta arrintaan la socda waxay soo saareen digniin iyo baaqyo ku socda ummadda Soomaaliyeed oo ku saabsan joojinta Kiniinkaan.

Maxay kala socotaa wasaaradda caafimaadka Puntland?

Warbaahinta Puntland Post waxay xogta ku haysaa in wasaaradda caafimaadku dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo amar daawadaan looga mamnuucayo gudaha Puntland, laakiin u baahan yahay in la fuliyo.

Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka ayaa sheegtay dawooyinka loo yaqaan ‘ranitidine’ oo ay kamid tahay Zantac, in ay ku jiraan aalkolada loo yaqaan’ nitrosamine oo ay suurtogal tahay in laga qaado cudurka kansarka bini-aadamka.

Puntland Post

The post Daawada gaaska ee Ranitidine oo la ogaaday in laga qaado Kansarka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this