Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jabuuti oo ka cabanaya mushaar la’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan heysata in ka badan muddo hal sano ah.

Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in ciidamadani aysan qaadan wax mushaar ah muddo sanad ah.

Sidoo kale wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in ciidamada kale ee AMISOM ay qaateen mushaaraadkooda, balse kuwa Jabuuti aysan weli helin.

Askari kasta oo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata 800 oo Dollerka Mareykanka ah, waxaana lagu soo warramayaa in Midowga Africa uu mushaarka ciidamadaasi ku wareejiyey dowladda Jabuuti, balse aysan weli iyadu bixin.

Cabashada ciidamadan oo muddo dheer soo jiitameysay ayaan weli jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowladda Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa ka howlgala deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this