Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Jalalaqsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Xiisada ayaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidamo ka amar qaata maamulka degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisadu ay timid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah.

Iska hor imaad kooban ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhexmaray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabellle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in haatan ay kala xiran tahay magaalada.

Dhinaca kale Shabelle ayaa wax ka weydiistay shaqaaqadaasi guddoomiye ku xigeenka dhinaca samafalka iyo horumarinta mashaariicda degmada Jalalaqsi, Maxamed Cabdi Abiikar, wuxuuna carabka ku dhuftay inuusan jirin dagaal dhacay degmadaasi, basle wuxuu tilmaamay inuu jiro qarax uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa oo ka dhacay halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo shalay ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo doonayey inuu gudaha u galo garoonka Ugaas Khaliif ee M/ Beledweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this