Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib canaantii madaxweyne Deni wasiiraddiisa oo bilaabay olole ismuujin ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib canaantii madaxweyne Deni uu kula kacay golihiisa wasiiradda, ayaa dhalisay in qaar kamid golaha wasiiraddu bilaabaan olole ismuujineed.

Xubno badan oo katirsan golaha xukuumada oo ay Puntland Post ka gaabsatay inay tilmaam ka bixiso, ayaa abaabulay wada tashiyo ay la yeelanayaan beelaha ay kasoo jeedaan.

Wasiiradda oo isticmaalaya baraha bulshada iyo qeyb warbaahinta katirsan ayaa kusoo bandhigaya macluumaadka kulamada ay la qaadanayaan dadka ay ku matalaan arrimaha siyaasada.

Qaar kale oo golaha waaiiradda katirsan ayaa baraha bulshada lasoo dhigay iyagoo ka jira arrimo safamaleed. Farriinta ay bixinayaan ayaa umuuqatay olole ismuujin ah iyo inay ka jawaabayaan canaantii madaxweynaha.

Ka sakow canaanta madaxweynaha, waxaa golaha wasiiraddu culays badan ka saaran yahay isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu ku sameeyo golihiisa inta uusan sanadku dhamaan.

Puntland Post

The post Kadib canaantii madaxweyne Deni wasiiraddiisa oo bilaabay olole ismuujin ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this