Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Doonni kalluumeysi oo lagu waayay xeebaha Badda Cas oo saaka dib loo helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Guardafui Maxamuud Axmed Caynab iyo wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dib loo helay doonni nooca kalluumeysiga ah oo todobaadkii hore lagu waayay xeebaha Badda Cas.

Guddoomiyaha Guardafui ayaa sheegay in doonnida la waayay Isniintii todobaadkii hore kadib markii ay ka baxday xeebta degmada Bareeda ee gobolkaasi balse saaka dib looga helay meel 70mile u jirta xeebta degmada Boosaaso.

Sidoo kale wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo isna la hadlay Puntland post ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 8 shaqaale ah oo isugu jira 5 Soomaali ah hal qof oo Kenyan ah iyo laba Carab ah. Mudane Cawaash ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii saarnaa doonnidaasi ay bad-qabaan.

Wasiirka ayaa sheegay doontan ay heshay doonni kale oo ganacsi kadibna la cillad bixiyay, islamarkaana ay safarkeedi ku wajahnaa magaalada Mukalla ee dalka yemen ay sii wadatay.

Halkaan ka daawo codka guddoomiyaha Guardafui

Puntland Post

The post Puntland: Doonni kalluumeysi oo lagu waayay xeebaha Badda Cas oo saaka dib loo helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this