Sign in to follow this  
Deeq A.

BEYLE oo shaaciyey waxa lagu qabto lacagta la siiyo Shabaab ee ganacsatada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan Maaliyadda.

Beyle ayaa wareysiga uu bixiyey wuxuu uga hadlay arrimo muhiim ah, sida dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka hesho ganacsatada magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa xusay inay jiraan lacago la siiyo kooxda Al-Shabaab oo xilligan dagaal adag kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Arrinta Shabaab iyo waxbey qaadaa horta anigu kama war hayo waxa ay qaadaan, waa maq maqlaa inay wax qaadaan.” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in lacagta la siiyo Al-Shabaab ay tahay mid lagu burburinayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Lacagta cid kale la siiyo inkaarbey dadkani qabaanee waa lacag dalka lagu burburinayo, inkastoo aanan ogeyn wax la qaado.” ayuu wasiirku sii raaciyey hadalkiisa.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu baaqay ganacsatada in lacagta ay bixinayaan ay siiyaan dowladda dhexe, si loogu dhiso dalka, islamarkaana ay la xisaabtamaan.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa soo hadal qaaday qorshaha daabicista lacago cusub oo shilin Soomaali ah oo ay haatan wado dowladda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dhammaan dowladda federaalku ay buuxisay shuruudihii laga rabay, balse weli la la’yahay kaliya qarashkii lagu daabici lahaa lacagtaas oo uu tilmaamay inuu kor u dhaafayo dhowr iyo labaatan Milyan oo Dollerka ee Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this