Deeq A. Posted October 6, 2019 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay wefdi ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cali Guyo. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Abdiqafar Hange oo ka warbixiyey kulanka Ayaa sheegay inay Beesha Caalamku u soo jeedisay Putland inay joojiyaan khilafka loo muujinayo Dowlada federaalka. Waxaa sidoo kale wasiirku shaaciyay in wafdiga labada dhinac ay Puntland uga digeen inay garab istaag u muujiso maamulada aan sharciga waafaqsaneyn ee aysan aqoonsaneyn dowlada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay Beesha Caalamku ugu baaqday Madaxweynaha Puntland in mashaariicda horumarineed iyo dhammaan adeegyada uu bixiyo maamulka la gaarsiiyo shacabka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-moha-abdikani-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites