Deeq A. Posted October 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaaladda Geneva ee waddanka Switzerland. Mas’uuliyiinta ayaa qeyb galaya shirka heer caalamiga ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Adduunka. Kulankan oo ah kii 70-aad ayaa waxaa isugu imaan doona dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowladda Soomaaliya. Ajendaha ayaa waxa uu yahay arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kale waxaa lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hay’adda UNHCR. View the full article Share this post Link to post Share on other sites