Sign in to follow this  
Deeq A.

wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo Golaha Degaanka Garoowe uga digay in ay khilaaf iyo buuq abuuran

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo maanta hadal kooban ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 27-aad ee Golaha Degaanka Garoowe, ayaa xildhibaannada Golaha Degaanka ku boorriyay in ay khilaafaadka iyo murannada dhexooda ah iska ilaaliyaan.

Wasiir Cawil ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado ay dhammaan istaagayaan mashaariicda ballaaran ee ka socota caasimadda Garoowe, isagoo xusay in qolyaha mashaariicda bixiyay, haddii ay khilaaf iyo buuq arkaan ay joojinayaan mashaariicdaasi.

Waxa la rabaa in aad khilaafka iska daysaan oo idinka iyo maayarku wada-shaqeysaan, mashaariic baa inoo socota, haddii khilaaf yimaado waa la socotaan dadka mashaariicda bixiya, haddii ay khilaaf maqlaan ama buuq dhaco ama la idin kala cayriyo mashaariicdu waa joogsanaysaa” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatada Garoowe haysata ay tahay, in maayarkii yimaada lix bilood isagoo aan joogin lugaha lagu dhego ama la rid, taasina ay horumarka magaalada caqabado ku keentay.

Halkaan ka daawo arrimo kala duwan oo wasiirku ka hadlay

PUNTLAND POST

The post wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo Golaha Degaanka Garoowe uga digay in ay khilaaf iyo buuq abuuran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this