Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag lala xiriirinayo Shabaab oo lagu qabtay Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa shan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee hoggaamineysay howlaglkaas ayaa sheegay in ragga la soo qabtay uu ku jiro maskaxdii ka dambeysay weerar dhowaan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka oo ka howlgalayey gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggaasi oo haatan ku jira gacanta ciidamada amniga inay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo ka waday gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this