Deeq A. Posted October 5, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamadaXoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay la wareegeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen dhamaanba xaafadaha deegaankaasi. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka qabtay Camaara ayaa shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan. Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda ay baaritaano ka wadaan halkaasi, iyagoona isku ballaariyey waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Camaara. Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article Share this post Link to post Share on other sites