Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay Camaara

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamadaXoogga dalka, gaar ahaan  qeybta 21-aad ay la wareegeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen dhamaanba xaafadaha deegaankaasi.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka qabtay Camaara ayaa shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda ay baaritaano ka wadaan halkaasi, iyagoona isku ballaariyey waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Camaara.

Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

Camaara1-1-300x225.jpg

Camaara6-300x225.jpg

Camaara5-300x225.jpg

Camaara4-300x225.jpgCiidan

Camaara2-300x225.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this